|
Ciidamada AMISOM oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Kawada Muqdisho. |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 26 April 2008 |
|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Nabad ilaaliyeyaasha Afirkanka ah ee ku sugan Somalia oo lagu magacaabo AMISOM ayaa waxay ka billaabeen Muqdisho dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo dhanka hawada ah, iyadoo la arkayay diyaaradha qummaatiga u kaca oo dul heehaabaya saldhigooda ugu weyn ee Muqdisho oo ku yaalla Xalane.
Diyaradahan oo ah nooc cusub oo aan horay loo arkin ayaa waxay socod ku sameynayen tan iyo shalay gallinkii dambe badda dheer ee ku teedsan Muqdisho, iyadoo aysan jirin wax dab-rid ah.
Afhayeenka xoogagga Nabad ilaalinta ee Afrikanka [AMISOM] Captin Brighye Be-Huko oo wax laga weydiiyay dhaqdhaqaqas ciidan ayaa sheegay in ay jiraan balse uusan isagu xilligaan ka hadli karin arrintaas.
"Arrintaan waa mid Milatery mana doonayo inaan ka hadlo xilligaan, waxaanse xaqiijin karaa sida aad aragteen in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo xagga hawada ah, kuwaasoo aan sameynayno" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Be-Huko.
Cap. Be-Huko, wuxuu sheegay in ciidamdoodu yihiin nabad ilaaliyeyaal ayna wadaan horumarro dhanka Ciidamada ah si ay ugu guulaystaan sugidda ammaanka guud ee Soomaaliya, wuxuuse ka gaabsaday diyaaradaha goorta ay soo gaareen Muqdisho.
Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay Cap. Brighye Be-Huko dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee muranka badan dhaliyay ayuu sheegay in ay ahaayeen dagaallo u dhexeeya Dowladda oo gacan ka helaysa Ciidamada Itoobiya iyo xoogagga hubeysan ee ka horjeeda.
"Anagu ka AMISOM ahaan aad baan uga xunahay in ay dagaallo ka dhacan Muqdisho, sidoo kale waxaan aad uga xunnahay in dad rayid ah ay ku dhintaan, waxaanse ku boorinaynaa dhinacyadu in ay si deg-deg ah ku gaaraan xabbad-joojin" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Brighye Be-Huko.
Brighye Be-Huko, wuxuu ka gaabsaday inuu eedeeyo dhinac ka mid ah labada dhinac ee 19-20-kii bishaan ku dagaalamay gudaha Muqdisho, dagalkaas oo dhaliyay khasare badan, wuxuuna dhinacyada oo dhan ku eedeeyay in ay khasaaraha dagaalka dusha u ridanayaan.
Mar uu ka hadlay dadaallada nabadeed ee laga dhexwado Dowladda iyo Mucaaradkeeda ayuu sheegay inuu soo dhaweynayo ayna codsanayaan in Dowladda iyo Mucaaradkuba ay dadaal dheraad ah u galaan sidii kaga miro-dhalin lahaayeen dadaallada nabadeed si looga gubo caqabadaha hortaagnaa Soomaaliya muddada ku dhow 20-sano.
Midowga Afrika waxaa ka jooga Muqdisho Ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah oo loogu magacdaray AMISOM, waxaana ay ka socdaan Dalalka Uganda iyo Burundi, iyadoo la qorsheynayo in ay dhawaan ciidamo ka socda Nigeria iyo Dalal kale ay soo gaaraan Muqdisho.
|